Monday, June 23, 2025

Mahdi Guuleed oo xilkii ka qaaday Xoghaye uu 5 Berri ka hor xil u magacaabay (Akhriso)

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii-haya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilkii ka qaaday Xoghayaha joogtada KMG ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo isagoo ku-sime ah uu hore u magacaabay.

Wiilkan xilka maanta laga qaaday oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana si lama filaan ah xilkan loogu magacaabay intii aanu is casilin Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sii-haya Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo madaxweyne Farmaajo u magacaabay inuu ku-sime noqdo ayaa qoraal uu soo diray ku yiri: “Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan…”

Ad

Arrintan ayaa ka dambeysay shil galabta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada oo ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ay gacanta ula tageen darawalka Gaari uu lahaa La-taliyaha Ra’iisal wasaarihii hore Yaxye Cali Hareeri, kaasoo uu xarunta Madaxtooyada geeyay xoghyahihii hore ee joogtada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Axmed Nuur Maxamed Cabdi.

Tallaabadan ayaa muujineysa isku dhex yaaca ka taagan madaxtooyada Soomaaliya ee ay wadaan saraakiisha Madaxtooyada oo taageero ka heysta Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON