Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda xilgarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa hambalyo naadir ah udiray Shacabka Somaliland ee berri u dareeraya Doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.
Isagoo khudbad ka jeediyey Warbaahinta dowladda Federaalka ayuu Mahdi Guuleed Doorashada Somaliland ku tilmaamay ilbaxnimo, isagoo tiriyey goobaha ay doorashadu ka dhaceyso iyo musharixiinta ku tartamaya.
“Waxaa qeyb kasoo ahaa doorashooyinka Somaliland 2001 ilaa ilaa 2017.. Walaallaha Koonfureed waaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo qofk muwaadinta uu codkiisa u dhiiban karo, Doorashada kusoo aadan 2025 inay muwaadiniint Soomaaliyeed xaq u yeeshaan inay doortaan xildhibaanka iyo madaxdooda..”
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya u rajeeyay Somaliland inay is aqbalaan oo qaataan natiijada Doorshada kasoo baxdana ay aqbalaan madaxda lagu doorto.
