Maleeshiyo ka tirsan kooxda Ahlu Suna ayaa saaka la wareegay degaan u dhow magaalada Dhusamareeb.
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Ahlu suna ay saaka la wareegeen degaanka Ceeldheere ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Ciidamadii Galmudug ee halkaasi ku sugnaa ayaa la sheegay inay isaga baxeen, kadibna ay la wareegeen maleeshiyada Ahlu suna, waxaana Ceeldheere uu 20 KM u jiraa magaalada Dhuusamareeb.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay halkaasi soo galeen kooxaha hubeysan ee Ahlu suna, iyadoo fariisimo ka sameystay saldhiga Booliiska iyo xarumaha maamulka, waxayna durba bilaabeen inay baaraan Gaadiidka.
Xaaladda Gobolka Galgaduud ayaa kacsan iyadoo maleeshiyada Ahlu suna oo shalay qabsaday magaalada Guriceel aya sidoo kale la wareegayaan degaano cusub.
