Monday, July 14, 2025

Maleeshiyada Ahlu suna oo oo weerar jidgal ah ku qaaday Ciidamada Galmudug iyo Qasaaraha

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex maray duleedka magaalada ciidamo kolonyo ahaa oo ka tirsan Galmudug iyo Maleeshiyada Ahlu suna oo weerar gaadmo ah ku qaday.

Iska hor-imaad la isku adeegsaday hub fudud iyo midka Boobayaasha culus ayaa dhex maray labada dhinac, waxaana maleeshiyada Ahlusunna ayaa jidka u galeen gadiidka ay wateen ciidamda Galmudug xilli ay socdeen deganka Bali-birre oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa kala gaaray labada dhinac, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ciidamo gurmad ah laga diray magaalada Dhuusamareeb.

Maleeshiyada Ahlu suna ayaa waxyeelo gaarsiisay laba gaari oo ciidamada wateen, waxayna ka furteen qoriyihii saanaa, halka lix askari lagu dilay weerarkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya Gaadiid waxyeelo la gaarsiiyey iyo askar lagu dilay dagaalka oo xilli saqdii dhexe kadib dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON