Alshabaab ayaa Gobolka Bakool ku leysay Qoys ka kooban 7 qof, kadib markii ay weerar ku qaaday Gurigii ay qoyskaasi ku noolaayeen.
Warar ayaa sheegaya inuu weerarka ka dhacay xalay degmada Waajid markii maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay rasaas ku fureen Guri ku yaalla degmadaasi oo uu deganaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, waxayna halkaasi ku dileen 7 qof ay ku jiran Hooyo, Aabe iyo Carruurtoodii.
Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabab ay Guriga ooda uga qaadeen rasaas fara badan oo ku asqeeyeen, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Taliyaha Booliska degmada Waajid Daahir Aadan ayaa sheegay inay falka ka dambeeyen Alshabaab, ayna wadaan baaritaan.
Qaar ka mida madaxda Maamulka K/Galbeed iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray qoyskaasi, iyadoo la sheegay in Aabaha askariga ah uu iska caabin sameeyay balse ay galaafatay rasaastii faraha badneyd eee lagu furay.
