Waxaa magaalada Muqdisho maalinkii shanaad ka socda shirka Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo lagu wado in maanta lasoo gabagabeeyo.
Shirkan oo intii la filayey ka balaartay waxaa waxaa lagu casuumay dhinacyada siyaasadda oo ay ku jiraan guddooonnada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Bulshada, wuxuuna muujiyey in Madaxweyne Madaxweyne Farmaajo uu go’adoon siyaasdeed ku jiro marka laga reebo siyaasiyiin yar oo taageersan.
War-murtiyeedka shirka kasoo bixi doona ayaa waxaa ugu weyn arrimaha Doorashada, iyadoo la filayo in saddex farriimo oo culus loogu diro Madaxweyne Farmaajo, kuwasoo kala ah:
1- Inuu isbedel ku sameeyo Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, kana noqdo magacaabidda Guddiga Doorashada Somaliland.
2- Inuu ka tanaasulo qorshaha boobka Doorashada soo socota.
3- Iyo inuu ogolaado dhismaha Guddi Doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Lama oga inuu Madaxweyne Farmaajo aqbali doono dalabka Musharixiinta Mucaaradka oo hadda taageero ka helay qeybaha iyo Wakiilada beesha Caalamka, laakiin waxaa ka muuqatay inuu. ku adkeysanayo Guddiyada Doorashada.
Baaqa shirka kadib ayaa lagu wadaa inay shir kale yeelan doonaan Musharixiinta si loogu faaqido tallaabada xigta haddii uu Madaxweyne aqbalo ama diido baaqoodii hore, wuxuuna wejiga labaad ee shirka noqon doonnaa mid xasaasi ah.
Musharixiinta Mucaaradka ayaan soo hadal qaadin Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo qaarkood ay sheegeen inay waxba gacanta ugu jirin, waxaana dagaalkooda siyaasadeed uu ku wajahan yahay Madaxweyne Farmaajo.
