Sunday, July 6, 2025

Maleeshiyada Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee Ceelwaaq

Warrka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar culus caawa ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa la sheegay inuu caawa ku bilowday qaraxyo ayna rasaas xoog leh xigtay, iyadoo dagaal toos ah uu dhex maray maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu jiro qasaare xoog leh oo dagaalkaasi dhaliyey iyo in Alshabaab ay gudaha u galeen qeybo ka mida saldhiga waxaana weli soo baxaya faahfaahinta dagaalka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus hubka la isku adeegsanayo laga maqlay degaanada u dhow degmada Ceelwaaq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON