Thursday, June 17, 2021

XOG: Rooble oo 3 ballanqaad u sameeyay Ciidamada ka hor yimid Muddo kororsiga & Qodobka ugu culus

Ra’iisal wasaaraha xuluumadda xilgaarsiinta ayaa ballanqaad u sameeyay ciidamada qabsaday qeybo ka mida magaalada Muqdisho ee ka hor yimid muddo kororsiga.

Ciidamadan oo kala tirsan Milateriga, Booliska iyo xoogag kale ayaa fadhiya qeybo badan oo ka mida degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Kaaraan iyo C/casiis, waxaana heshiis lagu gaaray caawa hoyga madaxweynaha Galmudug ee magaalada Muqdisho, kadib markii ayay yeesheen guddigii arrintan loo saaray.

Ballanqaadyaad uu sameeyay Maxamed Xuseen Rooble ee keenay heshiiska magaalada looga saaray ciidamadan ayaa kala ah:

Ad

1. In ciidamadaasi ay helayaan xuquuqda sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

2- Inuusan jiri doonin aargoosi in loo raacdo dhacdooyinkii caasimadda.

3. In si gaar ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

- Advertisement -

Qodobka adag ee in guddi loo saaro lagu ballamay ayaa ah sida laga yeelayo xil ka qaadista iyo Darajo ka xayuubintii lagu sameeyay saraakiisha qaarkood sida Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow
158,735FansLike
2,430FollowersFollow
5,851FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!