Tuesday, June 24, 2025

Maleeshiyada Jen. Xuud oo weerar ku galay magaalada Beledweyne iyo magaaladii Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaalada ay kacsan tahay kadib weerar ay xalay saqdii dhexe kadib ay magaalada ku galeen maleeshiyo taabacsan Jeneraal Xuud.

Maleeshiyadan oo ka yimid degaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada ayaa xilli danbe xalay hubkooda la galay magaalada Beledweyne, iyagoo ka horjeeda shir ay Golaha Wasiirada Hirshabeelle ku yeelanayaan magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa jabhadda Jeneraal Xuud, waxaana lasoo weriyey in qof ku dhintay, dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo xaaladda ay weli kacsan tahay.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xilligan aanu dagaal socon, balse ay ka jirto xiisad dagaal, waxaana magaalada oo dhan lagu arkayaa ciidamadad dowlada, halka ay dib uga laabteen maleeshiyadii Jeneraal Xuud.

Jabhadda Jeneraal Xuud ayaa ka horjeeda maamulka Hirshabeelle ee Cali Guudlaawe hoggaamiyo, inkastoo uu Beledweyne ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON