Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in tuullooyin ka tirsan gobolka ay dagaallo ku dhex mareen kooxda la baxday Macawisleyda maleeshiyada degaenka iyo kooxda Alshabaab.
Weerar ay qaadeen Macaawisleyda oo ka dhacay xarun Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Guulane, degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayey sheegee inay ku dileen xubno ka tirsan Alshabaab oo gaaraya 8, iyadoo xaruntii la wareegay, kadibna isaga baxay halkaasi.
Hoggaamiyaha Kooxda Macaawisleyda Axmed Dhegey ayaa warbaahinta u sheegay inay xarunta ay weerarreen ku dileen 8 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab, ayna ka mid yihiin saraakiil u qaabilsanaa ururinta Zakawaadka oo dhinaca maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabab.
Dagaalka kooxda Macawisleyda iyo Alshabaab ayaa ka socda degaanada hoos taga degmada Aadan Yabaal, iyadoo hoggaamiyeyaashii kooxdan lagu dilay weerar ka dahcay isla tuulada Guulane.