Maleeshiyada Macawisleyda Sh/dhexe oo shaacisay inay Weerar ku dileen 8 ka tirsan Alshabaab

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in tuullooyin ka tirsan gobolka ay dagaallo ku dhex mareen kooxda la baxday Macawisleyda maleeshiyada degaenka iyo kooxda Alshabaab.

Weerar ay qaadeen Macaawisleyda oo ka dhacay xarun Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Guulane, degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayey sheegee inay ku dileen xubno ka tirsan Alshabaab  oo gaaraya 8, iyadoo xaruntii la wareegay, kadibna isaga baxay halkaasi.

Hoggaamiyaha Kooxda Macaawisleyda Axmed Dhegey  ayaa warbaahinta u sheegay inay xarunta ay weerarreen ku dileen 8 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab, ayna ka mid yihiin saraakiil u qaabilsanaa ururinta Zakawaadka oo dhinaca maaliyadda u qaabilsanaa Al-shabab.

Ad

Dagaalka kooxda Macawisleyda iyo Alshabaab ayaa ka socda degaanada hoos taga degmada Aadan Yabaal, iyadoo hoggaamiyeyaashii kooxdan lagu dilay weerar ka dahcay isla tuulada Guulane.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,753FansLike
798FollowersFollow
2,965FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!