Wednesday, June 25, 2025

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee Hirshabeelle

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay saddex maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo maanta isku dhiibay ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgalla Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Waxaa saddexda nin oo dhalinyarro ahaa lagu kala magacaabaa Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed oo sheegay inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka Al-Shabaab u geysanayaan shacabka, ayna go’aansadeen inay kasoo baxaan.

Taliyaha Nabad sugidda Degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) oo ka hadlay goobta ay isku soo dhiibeen xubnahan ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama maleeshiyaadka Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON