Askari ayaa ku dhintay, saddex caruurna way ku dhaawacmeen iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dharkeynley oo isku qabsaday lacag baad ah oo laga qaado Guryaha iyo dhismooyinka socda.
Dagaalkan ayaa ka dhacay Waaxda koowaad, Laanta Shanaad, Kaawo Godey, degmada Dharkeynley kadib markii ciidamo ku qaraabta magaca degaankaasi oo adeegsada awoodda maamulka G/Banaadir ay isku rasaaseeyeen halkaasi.
Arrintan ayaa si joogto ah uga dhacda degmada Dharkeynley iyadoo isla maanta uu iska hor imaad kale ka dhacay xaafadda Showriyadda ee isla degmada Dharkeynley, waxaana dagaalka maanta uu salka ku hayey Dhisme Guri ka socday Xaafadda Kaawo Godeey oo lacago baad ah ay ka qaataan maleeshiyoon milateri u badan oo ku qaraabta magaca maamulka degmada.
Maamulka degmada Dharkeynley ayaa wax awood ah u lahayn inuu wax ka qabto isku dhacyada noocan oo kale ah, iyadoo xubno ka tirsan maamulka degmada ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada ciidamada ah ee is heysta.