Sunday, June 22, 2025

Maleeshiyooyin Alshabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ilaa 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay ‘hawlgal qorsheysnaa’ oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa inay qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamiga, waxaana lagu beegsaday koox Alshaab ah oo si qarsoodi ah isugu aruursanayey beer ku taala degaanka Beladul amiin.

Ma jiro faahfaahin kale oo duqeyntan laga bixiyey, balse wasiirka warfaafinta oo shirka jaraa’id uu ku wehliyay ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhowaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan dalalka safka hore.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON