Waxaa sii kordhay xiisada u dhaxeysa dalalka milateri ahaa ugu waaweyn caalamka ee Mareykanka iyo Ruuskha oo qarka u saaran inay ku dagaalamaan dalka Suuriya.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Ruushka uu u diyaar garoowo sidii ay u difaaci lahayeen gantaalka lagu weerrari doonno Suuriya si loogu falceliyo suntii kiimikada ahayd ee la sheegay in dowladda Suuriya ku weerrartay meel ka mid ah Suuriya isbuuci lasoo dhaafay.
Saraakiil sare oo ka tirsan Ruushka ayaa ku hanjabay in ay diyaar u yihiin in ay u jawaaban haddii Maraykanka ay isku dayaan in ay ku soo ridaan gantaal. Trump ayaa wacad ku maray in jawaab adag ay ka bixin doonaan wixii dhacay.
Madaxweyne Bashar al-Assad oo kaalmo militari ka haysta Ruushka ayaa diiday in ay geysteen weerarka kiimikada ah. Qoraalkiisa Twitterka Trump wuxuu Assad ku tilmaamay “Xayawaan heysta hubka kiimikada”.
Sabtidii dad u dhaqdhaqaaqa mucaaridka Suuriya, kooxaha dad badbaadiya iyo hay’addaha gargaarka ayaa sheegay in magaalada mucaaridka ay heystaan ee Douma oo ku taalla bariga gobolka Quuta in ciidammada dawladda soo weerraray iyagoo isticmaalayo sunta kiimakada ah.
Arbacadii Ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa waxay codsatay in loo ogolaado galitaan si ay u soo hubiyaan wararka sheegaya in 70 ruux ay ku dhinteen halkaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin 43 qof oo la arkay ay la luudayaan sunta kiimikada.
Maraykanka iyo xulafadiisa Faransiiska iyo Britain ayaa isku raacay arrintan in ay iska kaashadaan waxaana la filayaa in ay u diyaar garoowayaan.
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in wararka sheegaya in Suuriya lagu weerraray sunta kiimikada ay tahay mid lagu daandaansanayo in la xumeeyo xiriirka xooggan ee kala dhaxeya Suuriya.
Madaxweyanaha maraykanka Donald Trump ayaa hakiyay booqashadiisi ugu horreysay uu ku tegi lahaa Latin America balse arrintaasi waxaa ay u wecisay inuu diiradda saaro arrimmaha Suuriya.
Go’aankaasi ayaa soo jeedinayaa falcellinta maraykanka ee suuriya ee isugu jiro howlgalka dhanka circa ah, sida uu sheegayo wariyaha BBC Washington Barbara Plett Usher.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel macron ayaa waxaa uu sheegay in duuqaymaha lala beegsan doono hoowlaha hubka kimikada ee dowladda Suuriya.
Balse wargayska the Times ayaa kusoo warramaya in ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ay ugu baaqday madaxweyne trump in uu caddaymo dheeraad ah bixio si loo iftiimiyo eedeymaha dowladda suuriya ee ah weerarka hubka kimikada ee magaalada Douma.
Safiirka Ruushka u fadhiyo qaramada midoobay Vasily Nebenzia ayaa ugua digay xukuumadda Washington inay mas’uuliyadda ay duusha saran doonan tallaabo kasto oo millitari ay qaadan.
Maaliinkii talaadada golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ku guuldaraystay inuu ansixiyo qaraar soo jeedinaayo in la unko koox baaritanno ku samayso weerarka Suuriya.