Sunday, June 22, 2025

Mareykanka oo Abaalmarin Hal Milyan oo Dollar ah ku raadinaya Nin Somali Kenyan ah

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay abaal-marin lacageed oo la siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo Duur-joogta.

Labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed oo Soomali Kenyan ah ayaa laga raadinayaa dalka Kenya, waxaana kusoo biiray Mareykanka oo min hal milyan dul dhigay ciddii keenta xog lagu qaban karo.

Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen Axmed iyo Badru Cabdul Casiis Saalax ku eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shabakad dambiilayaal ah oo caalami ah oo ka ganacsan jirtay Duurjoogta oo doonayey in ay u tahriibiyaan Mareykanka.

Waxaa lagu eedeeyay i ay maleegayeen in ay tahriibiyaan ugu yaraan 190 kiilo oo Geesaha Wiyisha ah iyo 10 tan oo Fool Maroodi ah. “Dabargoynta daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ayaa ah mudnaanta maamulka Madaxweyne Biden. Waxaan uga mahadcelineynaa wadashaqeynta joogtada ah ee Dowladda Kenya ee ah qabashada xubnaha shabakadahan dambiilayaasha ah” ayuu yiri Eric Kneedler oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Nairobi, isgoo ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta DCI-da Nairobi dhowaan.

Ad

Madaxa DCI-da George Kinoti ayaa ugu baaqay dhammaan jileyaasha Hay’adaha Amniga iyo cadaaladda cadaaladda inay gacan ka geystaan ​​soo qabashada iyo sharci horgenta labadaasi denbiile.

Badru C/casiis Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019.

Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amarka qabashada eedeysaneyaashan.

Mid ka mida labada Nin Badru Abdul Aziz Saleh ayaa lagu qabtay howlgal ay wada qaadeen ciidamda Kenya iyo Mareykanka markii xog laga helay dadka ku nool Liboye, Garisa, maalmo kadib markii la shaaciyey abaalmarinta la dul dhigay.

- Advertisement -
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON