Dowladda Mareykanka ayaa dhinacyada magaalada Muqdisho boorisay inay joojiyaan dhammaan shaqaaqooyinka.
Farriin kooban oo kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri: “Waxaan ku boorineynaa in la joojiyo dhammaan shaqaaqada.. waxaan dhinacyada oo dhan xusuusineynaa ballanqaadkoodii ahaa inay degdeg u dhammeystiraan fulinta heshiiska Doorashada ee Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada”.
Arrintan ayaa ka danbeysay baaq kasoo baxay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya oo walaac looga muujiyey isku dhacyadii ka dhacay Muqdisho xalay iyo Saaka, looguna baaqay dhinacyada inay joojiyaan gacan ka hadalka.
