Monday, June 23, 2025

Mareykanka oo Gantaallo ku weeraray saldhig ku yaalla dalka Siiriya & wararkii ugu danbeeyay

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegaya p in Mareykanku uu duqeyn ka geystay saldhig ciidamada cirka Siiriya leeyihiin.

Xilku danbe yaalla habeenkii Khamiista, xilliga Mareykanka, ayaa 59 gantaal lagu riday saldhigga taas oo jawaab u aheyd weerar kiimiko oo arxan darri ahaa oo lagu qaaday dad rayid ah dhawaantan, kaas oo lagu eedeyay in uu ka dambeeyay madaxweynaha Siiriya Bashar al-Assad. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen boqol ruux.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ay ciidamada Mareykanka ku qaadan ciidamada dowladda Siiriya tan iyo intii uu talada dalkaasi qabtay Donald Trump.

Ad

Sida ay wararku sheegayaan, gantaala oo nooca Tomahawk loo yaqaan, ayaa laga soo ridey maraakiib kuwa bur burayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka, waxayna ku dhaceen xarrumo la sheegay inay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku eegteen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya maalmo ka hor.

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in ay dhacaan weeraro kale oo noocani ah.

- Advertisement -

Weerarka, ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii gobolka Florida kula kulmay dhigiisa Shiinaha Xi Jinping, kuwaas oo ka arrinsaday arrimo dhowr ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON