Mareykanka ayaa si degdeg ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug ee maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, daqiiqo kadib markii doorashadaasi dhacday.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu caddeeyay in safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ay si dhow ula socotay hannaanka siyaasadeed ee Galmudug, isla markaana Doorashada maanta ay ahayd bilowga dib u heshiisiin siyaasadeed oo sal ballaaran oo Galmudug galeyso.
“Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa qof kasta inuu ka qeyb qaato wadahadalka nabadeed oo si wadajir ah lagu xaliyo dhibaatooyinka ay wajahayaan Galmudug iyo Soomaaliya..” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka oo looga dalbaday dhinacyada Galmudug iyo cid kastoo ay quseyso inuu ka fogaado gacan ka hadal iyo hanjabaad adeegsi awood.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA