Friday, July 11, 2025

Mareykanka oo lacagtii uu badneyd Dul dhigay Amiir Sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa laacgtii ugu badneyd oo gaareysa 10 milyan oo Dollar dul dhigtay mid ka mida Amiirada sare ee Alshabaab oo lagu magacaabo Macallin Ayman.

Abaalmarinta cusub Waxaa waxaa soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Maraykanka, waxaana la siin doonaa abaal-marinta cid kasta oo keenta Macallin Ayman iyo xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda. Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika.

Al-Shabaab oo fadhiggeedu yahay Bariga Afrika, waa mid ka mid ah kooxaha ugu halista badan ee ku xiran Al-Qaacida, waxaana ay mas’uul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON