Monday, July 7, 2025

Mareykanka oo shaaciyay inuu duqeyn ku diley xubno ka tirsan Alshabaab

Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka Bay ayaa la sheegay in lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu dhacay subaxnimadii talaadadii shalay.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah – wuxuuna sheegay in weli aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay iyo darajadooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada la beegsaday ay halis ku hayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee gobolkaas ka howlgalaya kana dhowaa meesha ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa fuliyay weeraro dhowr ah oo ka dhan ah Al-Shabaab tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay ballaarinta howlgallada Mareykanka ee Somalia ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON