Sunday, July 13, 2025

Mareykanka oo tababaray Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Kumaandooska Danab (Sawirro)

Mareykanka ayaa tababar usoo xiray ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare ayaa ah cutub cusub oo ku biiraya ciidamada Danab ee uu taageero, lana shaqeeyo Mareykanka, iyagoo lagu tababarray Saldhigga Ballidoogle ee Gobolka Sh/Hoose.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa soo xirtay tababarka ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, iyadoo ay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo tliska ciidamada.

Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay tababarka ciidamadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON