Dowladda Mareykaka ayaa warkeedii ugu horeeyay kasoo saartay duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo xiriirka maamulada Puntand, Galmudug, Puntland iyo dowlada Federaalka.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Federaalka Soomaaliya maamulka KMG ah ee Galmudug, maamulka Puntland si xal loogu helo walaaca ka dhashay duqeyntii is-difaaca wadajirka ahayd ee 28-kii September Mareykanku ku qaaday Gaalkacyo.
“Mareykanky wuxuu ka war hayaa wararka sheegaya qasaaraha ka dhacay Gaalkacyo, wuxuuna sheegashadaasi u qaatay si dhab ah. Waaxda Difaaca Mareykanka waxay bilowday inay baarto dhammaan caddeymihii la isku halleyn karay.
Safiirka Mareykanka wuxuu intii u dhaxeysay 6-8 Oktoobar kulamo kula yeeshay Muqdisho Odayaal dhaqameed, siyaasiyiinta hogaamiyeyaasha siyaasadda ee ka yimid Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka mid yahay madaxweynaha Galmudug Guuleed. Wuxuu kaloo wadahadallo la yeeshat madaxweynaha Puntland Gaas iyo taliska ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Safiirku wuxuu sheegay in Mareykanku raadinayo horumarinta xiirirka iyo iskaashiga uu la la leeyahay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya si loola dagaalamo Alshabaab. Dowladda Mareykanka waxay si xoog leh ugu dhiirigelineysaa madaxda Galmudug iyo Puntland inay galaan wadahadal rasmi ah oo xal loogu helayo khilaafaadka u dhaxeeya, ayna abuuraan jawi nabadeed iyo dub u heshiisiin.
Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dhammaan dhinacyada Soomaalida si uu gacan uga siiyo nabadgelyada iyo xasiloonida.
Warsaxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa Raymond W. Stephens oo saxaafadda Mareykanka u qaabilsan xiriirka caamka ah.
Goobjooge.com