Mareykanka ayaa War kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taabacsan maamulka Jubbaland.
Qoraal kooban oo ay caawa faafisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka ka socda agagaarka Beled Xaawo. “Waxaan ku baaqeynaa in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka oo waddo nabadeed loo maro..” ayaa lagu yiri qoraalka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa u sheegay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida in looga baahan yahay inay muujiyaan dulqaad ayna meesha ka saaraan dagaalka si ay dan ugu jirto dhammaan Soomaalida iyo Gobolka.