Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyey in kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada Eritrea ay ka gudbeen xadka ay la leeyihiin Itoobiya, kana qeyb qaateen dagaalka dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Eritrea.
Sida ay qortay wakaalada wararka Reuters arrintan ayaa lagu xaqiijiyey sawirro lagu qaaday Satelite-ka, waxayna diblomaasiyiinta Mareykanka la wadaageen kuwa dalalka reer Galbeedka, iyadoo ay ahayd arrin ay wada ogyihiin inta badan diblomaasiyiinta ku sugan magaalada Addis ababa.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo dowladda Itoobiya ay shaacisay inay ciidamada jooga gobolka Eritrea ay rasaas ku fureen shaqaale ka tirsan Q/Midoobay, kuwaaso ay ku eedeysay inay jiireen laba koontrool oo ay ciidamada leeyihiin, una tallaabeen goob aan la ogoleyn inay tagaan, iyadoo markaasi lagu rasaaseeyay Koonrtaroolkii saddexaad.
Diblomaasiyiinta ayaa sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay u socdeen xero ay ku nool yihiin qaxootiga Eritrea kasoo cararay, halkaasi ay joogeen ciidamada ka yimid Eritrea, sababta loo weerarrayna ay tahay inay arkaan ciidamadaasi oo dowladda Itoobiya ay qarineyso.
Dowladda Itoobiya iyo Eritrea ayaa marar badan beeniyay in ciidamada Eritrea ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray, laakiin waxaa hadda soo baxeysa xaqiiqada ee weji gabax ku ah Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
