Friday, July 11, 2025

Mareykanka oo Xayiraad ku soo rogay Xubno Alshabaab u qaabilsan Dhaqaalaha iyo Hubka

Dowladda Mareykanka ayaa shacisay xayiraad ay kusoo rogtay xubnaha shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo soo dhoofinta Hubka.

Qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay qaabislaneyd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista maleeshiyada beelaha ee ku biiraya dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa sheegay in Waaxda Maaliyadda ay diiradda saareyso aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgala Bariga Afrika.

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-geliso dadaallada al-Qaacida ee caalamka iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

Xubnaha Alshabaab ee xayiraadaha lagu soo rogay ayaa kala ah:

ABDULLAHI JEERI: Abdullahi Jeeri (Jeeri) waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxda hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen.

Wuxuu sidoo kale isku xiraa Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto.

KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waxa uu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warramaa amiirka kooxda Axmed Diiriye.

HASSAN AFGOOYE: 
Mareykanka ayaa $5 milyan dul dhigay madaxa Afgooye, taasi oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afgooye waxa uu maamulaa shabakad maaliyadeed oo qaabilsan soo ururinta sadaqada beenta ah, baadda, iyo afduubka. Wuxuu horey usoo noqday madaxa Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaan jiray ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate.

ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) wuxuu ku dhow yahay Golaha Hoggaanka Sare ee Kooxda, wuxuuna howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey kooxda Al-Shabaab.

ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay isku xirka kooxda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, wuxuuna kala wareejiyaa lacagta kooxda ee ay soo ururiso oo uu ku wareejiyo madaxda sare.

Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan soo iibinta hubka kuwaas oo kala ah:

1- Mohamed Hussein Salad (Salad)

2- Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan),

3- iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

Waxaa laga billaabo maanta la xanibay dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin oo yaalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah. Sidoo kale waxaa la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkan ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON