Madaxweynihii hoe ee Soomaaliya ahna guddoomihaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus u diray Madaxweynaha iyo Guddoonka Golaha shacabka, isagoo uga digay inay muddo kororsi sameeyaan.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed oo u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inaysan marna oggolaan karin in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba, sida uu yiri, wuxuuna uga digay Golaha shacabja guddoonkooda inay xil kordhin u xalaaleeyaan Madaxweynaha.
“Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay is-moodsiinayaan, waxaan caddeyneynaa inaan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan. Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada” ayuu yiri Sheekh Shariif oo fariin cad diray.