Sunday, June 22, 2025

Masar oo Itoobiya ku eedeysay Xadgudub Sharci Caalami ah iyo labada Dal oo u diyaar garoobay Dagaal

Dowladda Masar ayaa ku eedeysay Itoobiya inay jabisay sharciga caalamiga ah, kadib markii ay heshay ogeysiis sheegaya in dowladda Itoobiya ay billowday buuxinta wareega labaad ee biya xireenka weyn ee Nile oo ay iskeed ugu dhaqaqaday.

Itoobiya ayaa dalalka Suudaan iyo Masar waxay ku wargelisay inay guda gashay buuxinta labaad ee biya xireenka muranka ka taagnaa ee saddexda dal isku heysteen, waxayna arrintan si weyn uga careysiisay Masar oo hore u caddeysay inaysan aqbali doonin tallaabo kale oo Itoobiya qaado.

Arrintan ayaa kasoo hormartay iyadoo Masar iyo Suudaan ay dacwad ka dhan ah Itoobiya geeyeen Golaha Amniga Qaramada Midoobay, isla markaana ay xubnaha Golaha Amniga arrintan ka shiri doonaan Khamiiste Berri.

Ad

Masar ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ay ku jirto milateri qaadi doonto haddii ay sii socoto halista uga imaaneysa Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya hirgalisay, laguna magacaabo Renaissance Dam.

Waxaa laga cabsi inay xaaladda Itoobiya iyo Masar isu bedesho dagaal milateri, waxayna dhowaan labada dhinac sameeyeen diyaargarow dagaal.

Masar iyo Suudaan ayaa dhoolatus milatari oo wadajir ah sameeyay, halka Itoobiya ay shaacisya in ciidamadeeda diyaar u yihiin difaaca Biyo xireenka iyo guud ahaan dalkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON