Wednesday, June 25, 2025

Masar oo ku yaboohday inay ciidamo u dirto Xuduudka Jabuuti & Ereteriya [Itoobiya oo diiday]

Dowladda Masar oo ka mida isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka horjeeda dalka Qatar ayaa ku yaboohday inay ciidamo u direyso xuduudka dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

Dowladda Masar ayaa dooneysa inay buuxiso kaalintii dalka Qatar oo ciidamadeedii nabad ilaalinta ee ka joogay xuduudka labada dal ee Jabuuti iyo Ereteriya kala baxday, taasoo keentay xiisad colaadeed oo kasoo cusboonata labada dal.

Jabuuti ayaa ku eedeysay dalak Ereteriya inay la wareegtay dhulka lagu muransan yahay ee xuduudka labada dal, ayna ciidameeda la wareegeen goobihii ay ka sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Qatar.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay ka hor timid arrintan iyadoo olole ugu jirta inay ka hortagto ciidamo Masaari ah oo la keeno xuduudka Jabuuti iyo Ereteriya.

Xiisadda ka dhex aloosan Jabuuti iyo Ereteriya waxaa loo gudbiyay Midowga Afrika iyo Q/Midoobay, waxaana la filayaa in Golaha ammaanka ay kulan gaara ka yeeshaan isniinta.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON