Mas’uul ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in askar Soomaali ah ay Eritrea geysay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan Gobolka dagaalladu ka dhaceen ee Tigray.
Sii-hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka Robert F. Godec oo hortegay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la weysiiyey su’aal ku saabsaneyd wararka sheegaya in askar Soomaali ah ay ka dagaalameen Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Acsom.
Robert F. Godec ayaa ku jawaabay: “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,”.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec haddii uu hayo macluumaad ku saabsan askarta Soomaalida ee tegay Itoobiya iyo Gobolka Tigray iyo sababta loo geeyay halkaasi, wuxuuna sheegay inay la xiriiri karto heshiis tababar oo dowladaha dhex maray.
“Waxaan rumeysanahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.” ayuu yiri Sii-hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka Robert F. Godec oo ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah inuu bixiyo.
Dhowaan ayey ahayd markii warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay saldhigyo militari oo ku yaalla Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
