Sunday, July 13, 2025

Mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdisho

Dabley ku hubeysan Bistoolad ayaa magaalada Muqdisho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Yaaqshiid.

Cismaan Maxamuud Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha laanta Dalxiis ee degmadaas ayay weerarku qaadeen kooxda hubeysan, iyagoo rasaas ku furay, kadibna goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee Cismaan Maxamuud Cabdi ayaa la sheegay inuu ahaa guddoomiyaha Laanta Dalxiis ee degmada Yaaqshiid, kana tirsanaa Guutada 5aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ma jirto cid loo qabtay falka dilka ahm waxaana goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada Amniga oo baaritaan kooban ka sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON