Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen mas’uul ka tirsan Shirkadda Xawaaladda Amal oo ka mida shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya.
Weerarkan ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha, agagaarka Isgoyska Howlwadaag, iyadoo dableyda ay ku dhaawaceen C/qaadir Al-waasac oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Amal.
Dad goobta ka dhowaa ayaa sheegay in laba dhalinyaro oo dabley ah ay rasaas ku fureen C/qaadir Alwaasac isagoo markaas kasoo baxay xarunta shirakdda, kadibna ay baxsadeen, waxaana markas kadib goobtii laga qaaday dhaawaciisa oo la sheegay inuu ahaa mid culus.
Ciidanka Booliska ayaa goobtaasi gaaray, iyagoo aan cidna u soo qaban falkaasi, masuuliyiinta shirkadda Amal ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta loo beegsaday mid ka mida mas’uuliyiintooda.
15-kii bishan ayay aheyd markii xilli habeen ah qarax gaari gacan loo adeegsaday lagu weeraray meel ku dhaw shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha, kaasi oo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.