Sunday, July 13, 2025

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo loo xiray Musuqmaasuq & Damaanad la filayo in lagu sii daayo

Mas’uul ka tirsan Wasaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa loo xiray arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa, iyadoo uu dadaal loogu jiro in damaanad looga sii daayo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta 13/8/2018-ka u fariisaneysaa dhageysiga codsi damaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya qeybta qandaraasyada loo heysto arrimo la xiriira masuq maasuq iyo wax isdamarin khilaafsan xilka xafiiskiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Muuse Macallim Maxamed ayaa u sheegay in eedeysanaha ay arrintiisa maanta maxkamaddu go’aan ka gaareyso.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir maanta oo ay taariikhdu tahay 13-8-2018,waxay u fariisaneysaa dhageysiga codsiga dammaanad siin ah oo ay soo gudbiyeen qareenada eedeysane C/shakuur Aadan Maxamuud oo mudo todobaad ah u xirnaa arrimo la xiriirka masuqmaasuq iyo wax isdaba marin khilaafsan xilka xafiiskiisa,” ayuu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Kiisaska Musuq ee ka dhanka ah mas’uuliyiinta dowladda ayaa si weyn sare ugu kacay muddooyinkii danbe, inkastoo aanu dhicin wax xukun ah oo lagu riday mas’uuliyiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON