Sunday, August 3, 2025

Mas’uul ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mas’uul ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya caawa la dilay.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ku khaarijiyeen xaafadda horseed degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir xili uu kasoo baxayay masjid uu salaad ku soo tukaday.

Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan (Qoordheere). Waxayna  dadka xaafadda u sheegeen saxaafadda in kooxo hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen kadibna goobta ka baxsadeen.

Ciidanka degmada oo goobta tegay kadib dilka mas’uulka  ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano, mana jirto cid loo qabtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON