Wararka laag helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaaday mas’uuliyiin ka tirsan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Weerarkan ayaa ka dhacay degmada Xamerweye, agagaarka xarunta wasaaradda Cadaaladda, waxaana rasaas lagu furay guddoomiye Waaxda Kacaan ee oo caan ka ah degmada Xamarweyne oo lagu magacaabo Maxamed Macalin Xasan Fagaase iyo nin ka socda oo la sheegay inuu isna ahaa guddoomiye Tabeelle oo magaciisa lagu sheegay Xasan Indhabuux.
Labada mas’uul ayaa dhaawacyo aad u culus ka soo gaareen weerarka lagu qaaday, waxaana wararku sheegayaan in isbitaal loola cararray iyadoo xaalkoodu liito, waxayna wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Maxamed Macalin Xasan Fagaase oo ahaa guddoomiye Waaxeed uu goor dhoweyd ku geeriyooday Isbitaalka Daarushifaa ee magaalada Muqdisho.
Dableyda weerarka geysatay oo la filayo inay Alshabaab ahaayeen ayaa ka baxsaday goobta, waxaana markii danbe gaaray ciidamada amniga.