Mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maxkamad loo soo taagay kiis la xiriira Musuqmaasuq uu ku kacay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Khamiistii 27/09/2018 u fariisatay dacwad Musuqa ahayd ee loo heysto eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimaha Waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaliya iyo Maxamed Cumar Macallin oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka, kaasoo ahaa maqane.
Waxaa kiiska guddoominayey GUddoomiya Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, iyadoo ay ka qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur.
Kiiskan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, kadib olole musuq la dirir ah oo ay qaaday xukuumadda Soomaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallim Maxamed wuxuu akhriyay eedaha loo haysto labada eedaysane oo midkood uu goobjoog ahaa Daahir Maxamed Nuur.
Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay dacwadda loo haysto eedeysanayaasha iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay, waxaana kiisku ku saabsanaa lacag ku dhow 50-kun doolar oo si khaldan ay u maamuleen agaasimaha xiran iyo xogahayaha maqan.
Gabagabadii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Muuse Macallim Maxamed ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwadda uu socon doono iyadoo dib la isugu soo laaban doono Khamiista ee soo socota 5-ta bisha Oktoobar.