Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo mashquul badan laga dareemayo Villa Somalia.
Gelinkii danbe ee maanta ayaa la dareemay in dhaqdhaqaaq siyaasadeed uu socdo, waxaana guriga madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud tegay agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo ninka ugu weyn taladu ka go’do dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay sidii uu xiriir u dhex mari lahaa madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, laakiin sida uu sheegay C/llaahi Sanbaloole oo ka tirsan xisbiga UPD in Xasan Sheekh uu diiday inuu arrimo siyaasadeed kala hadlo Fahad Yaasiin, kulankuna uu ahaa mid shaqsi ah.
Dhinaca kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku jirta qabanqaabada Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo oo ay caawa u dhammaaneyso muddo Bil ah oo dalku Ra’iisal wasaare la’aan yahay uu saacadaha soo socda magacaabi doono Ra’iisal wasaaraha.

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…