Wednesday, June 25, 2025

Maxaa caawa ka socda Muqdisho? Madaxweyne Farmaajo oo 400 martiqaaday xilli dad Soomaaliyeed baahi u dhimanayaan..?

Ku dhowaad 400 qof oo isugu jira xildhibaano iyo marti sharaf kale ayaa caawa ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa caawa ka socda Villa Somalia xaflad casho sharaf ah oo madaxweyne Farmaajo u sameynayo xildhibaanada laba gole, wasiirada iyo marti sharaf kale, taasoo la sheegay inay tahay mahadcelin kalsoonidii ay siiyeen Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay ee Xasan Cali Kheyre.

Kuma kala maqna madaxda dalka oo dhan kuwii hore iyo kuwa cusub, waxayna xafladani qeyb ka tahay dabaaldegga madaxda dowladda iyo Baarlamaanka shacabka metela.

Xafladda waxaa kaloo ku sugan fanaaniin heeso wadani ah iyo goos goos ku soo bandhigaya, waxaana socda miyuusik sawaxan badan oo lagu maaweelinayo madaxda kala duwaan ee goobta ku sugan.

Waxay xafladdan ku soo beegantay iyadoo gobollo badan oo dalka ka mida ay ka jiro abaar soo dhaaftay xoolihii oo ay dadkii u dhimanayaan. Saacado kooban ka hor xafladda Villa Somalia ka socotawaxaa duleedka magaalada Gaalkacyo haraan iyo baahi ugu geeriyooday Oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dad Koonfurta Mudug uga soo qaxay abaar. Laba maalmood ka horna Tuulada Godinlabe Gobolka Galgaduud waxaa gaajo iyo haraad ugu dhintay saddex caruur ah, waxaana kaloo dhintay ama qarka usaaran dhimasho dad fara badan oon lasoo werin.

Q/Midoobay waxay shalay so saartay warbixin ay ku sheegtay in 2.9 Milyan oo Soomaali ah ay xaalad degdeg oo macaluul ku sugan yihiin, halka 6.2 Milyan oo qof (kala bar dadka Soomaalida) ay ay baahan yihiin gargaar, halka 363,000 oo caruur ah ay macaluul heyso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa kadib ansixintii Ra’iisal wasaaraha ee maanta wuxuu sheegay inay jirto casho ay Farmaajo ku jirto caawa, waxaana fiiceyd in lacagta ka badan 20,000 doolar ee xafladda caawa lagu dhigayo lagu badbaadiyo boqolaal qoys oo gaajeysan ama kumanaan qof oo haraadsan biyo loogu dhaamiyo.

Ma muuqato in madaxweyne Farmaajo jid cusub u jeexi doono qiimeynta nafta muwaadinka Soomaaliyeed ee muddo dheer aan helin dowlad u damqata, marba haddii uu raali ka noqday in villa Somalia lagu mashxarado miyuusik iyo raashin fara badan, xilli xaaladda dadka ay metelaan kuwa xafladda dhiganaya ay u dhimanayaan wax ay dhuunta mariyaan…

WARBIXINTA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON