Kadib markii la shaaciyey in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ku dhacay Cudurka Coronavirus ayaa waxaa soo baxay su’aalo badan oo ku saabsan caafimaadka Madaxweynaha Mareykanka iyo haddii ay dhacdo inay xaaladiisa caafimaad xumaato ama uu dhinto.
Trump oo wax badan diiday tallooyinka caafimaadka, kuna gacan seyray inuu xirto weji xirka, kana fogaado dadka ayuu hadda ku dhacay Cudurkii Corona, waxayna da’diisu tahay 74 sano, isagoo qaba cudurro kale oo sababi kara inuu cudurka si adag uu dhaco ama waxyeelo u geysto, iyadoo la ogyahay in Trump uu qabo Cholestoral aad u badan, miisaankiisa oo culus iyo cadaadiska dhiigga, maadaama uu ka mid yahay dadka u nugul cudurka oo 5 jeer ka halis badan qofka dhalinyarrada ah.
Cabsiga ugu weyn ee la qabo ayaa ah in cudurka uu ku dhacay saaxiibada iyo dadka ku dhow Trump oo lagu yaqaan inay is ilaalin, sida Madaxweyne ku xigeenka Mike Bence iyo qaar ka mida la-taliyeyaasha iyo caruurta Trump oo ku wada nool Aqalka Cad.
Waxaa la hakiyey dhammaan ololeyaashii Doorashada ee Madaxweyne Trump, iyadoo Trump iyo xaaskiisa lagu karaantiilay Aqalka Cad, xaaladiisuna ay la socdaan dhaqaatiirta Aqalka Cad, wuxuuna sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah in xaaladiisa ay fiican tahay oo wax calaamad ah aan lagu arkin.
Haddii ay dhacdo in Trump xaaladiisa caafimaad xumaato waxaa xilka sii heynaya Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Micke Pence, haddii uu isna xaaladiisa u saamixi weydo waxaa madaxweyne KMG ah noqonaya haweeneyd aqlabiyadda Koongareenka Mareykanka Nancy Pelosi, laakiin haddii ay dhacdo inuu Trump geeriyoodo ka hor Doorashada Mareykanka wuxuu xisbigiisa Jamhuuriga si degdeg usoo magacaabi doonnaa musharax kale oo bedela Trump si uu doorashada u galo.
Waxaa sidoo kale la mida haddii Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden uu isna xanuunsado ama uu geeriyoodo, wuxuu mari doonaa isla habkii hore oo ah in xisbigiisa Dimoqraadiga degdeg u magacaabo musharax cusub, waxaana la tixgelin doontaa in ku xigeenkiisa uu soo xushay laga dhigo musharaxa xisbiga ama qof cusub la magacaabo; iyadoo ay waqti qaadan doonto in gobollada Mareykanka ay bedeleen magacyada musharaxa sidaas uga hara Doorashada Mareykanka oo dhacda 3-da November 2020.
Coronavirus ahaa dad ka badan 207,000 qof ku dilay Mareykanka, waana dalka ugu badan dunida ee Cudurka halakeeyay, iyadoo ay cudurka qaadeen gudaha Mareykanka dad ku dhow7.5 Milyan oo qof.