Wednesday, June 25, 2025

Maxaa dhex maray Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir & Guddoomiyeyaasha degmooyinka..?

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo kala war qaadasho ayaa looga hadlay wadashaqeynta maamulka cusub iyo guddoomiyeyaasha G/Banaadir, iyadoo guddoomiye Yariisow ku dhiirigeliyey inay sii xoojiyaan u adeegidda dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Guddoomiye ariisow ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu ahaaa isbarasho iyo kala warqaadasho, wuxuuna gu baaqay guddoomiyaasha degmooyinka in la dar-dargeliyo shaqada, wuxuuna u xaqiijiyey inuusan jiri  doonin  isbedel degdeg oo xilalka looga qaadi doono.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada aad u haysaan dalkiina iyo dadkiina, anaguna diyaar baan idiinla nahay wixii aad u baahan tihiin, qof walba waa inuu qaataa masuuliyaddiisa xilna iska saaraa horumarinta caasimadda. Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu-san jiri doonin wax isbeddal deg deg ah, qof walbana laga rabo inuu sii xoojiyaa shaqada uu hayo”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yariisow.

Kulanka ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara labada dhinac kadib markii uu meesha ka baxay maamulkii hore ee G/Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON