Madaxweynaha C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafti la socday ayaa galabta tegay magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay dowladda Federaalka.
Waxaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax juxa, wasiiro xildhibano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Safarka Madaxweyna iyo weftigiisa ayaa salka ku yahay shir ay Muqdisho ku yeelan doonaan malinimada berito Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha Ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa sida looga bartay waxaa safarkiisa ku wehliyay ciidamo ilaalo u ah, laakiin waxaa ka muuqatay isbedel iyagoo aan markan wadan qoryihii ay ku jeeni qaarnaan jireen, waxayna u muuqdeen ciidamo sacbooley ah.
Ma cadda qaabka hubka looga dhigay ilaalada madaxweyne Gaas inaysan markii hore wadan iyo inay diyaaradda uga tageen, waxayse u hogaansameen inaysan ub ku dhex marin Garoonka dhexdiisa, taasoo marar hore si weyn looga cawday.
Gaas ayaa looga bartay inuu ilaalo gaara oo ilaa 9 askari ah u kaxeyso magaalada Muqdisho si ka duwan madaxda maamul goboleedyada kale, waxaase ka muuqda isbedel.
SAWIRRO
Maxaa keenay inuu C/weli Gaas horin ciidamo ah la tago caasimadda Muqdisho..?
DAAWO SAWIRRO: C/WELI GAAS & CIIDAMO UU WATO OO LAGU SOO DHOWEEYAY MUQDISHO