Xaalada magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug isbedel laga dareema maanta.
Wararkii ugu danbeeay ee Gaalkacyo ayaa sheegaya in labada dhinac ee colaadda ka dhaxeysay dib u furteen goobo Ganacsi oo hore u xirnaa. Waxaa kaloo maanta laga soo weriyey magaalada in dadkii barakacay ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan Magaalada.
Inkastoo heshiiska la shaaciyay in lagu gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta uu yahay heshiis aan weli soo gaarin gudaha dalka, hadda waxaa la dareemay saameyn uu ku yeeshay xiisadii colaadeed ee Gaalkacyo.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadii Gaalkacyo ay ku dhinteen 18 qof, isla markaana ay ku barakaceen dad ka badan 55,000 qof.
Goobjooge.com