Tuesday, June 24, 2025

Maxaa ka jira in Baabuur AMISOM oo Qaraxyo lagu soo raray ku jiraan magaalada Muqdisho..? [Dhageyso]

Taliyaha xilka sii haya ee Booliska Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa si kulul uga hadlay warar laga fidiyay xaaladda ammaanka Muqidsho.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la iska dhex maray maalmihii ugu danbeeyay oo ku saabsanaa Gaadiid qaraxyo sida oo la sheegay inay ku jiraan magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegay inay tahay been lagu agu cabsi gelinayo dadka shacabka ah.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa yiri: “Waxaa maalmahan soo noq-noqday warar ah in gaadiid qaraxyo ay magaalada ku jiraan sida kuwa AMISOM, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wixii  amniga lid ku ah”.

Isagoo ka hadlayay wararka ku saabsan in Garoonka diyaaradaha aany shaqeyneyn iyo in laga cararay, ayuu caddeeyay in dhammaan warkaasi yihiin waxba kama jiraan.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax
Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON