Waxaa maalmihii danbe soo baxayey warar ku saabsan in ciidamo ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalkii Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray.
Waxaa markii ugu horeysay warkan laga soo xigtay saraakiil sheegay inay la xiriireen ilo kala duwan oo sheegay in boqolaal askari oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka, iyagoo ka barbar dagaalamaya ciidamo Eritriyaan ah oo ka qeyb galay dagaalkii Tigray iyagoo gacan siinaya kuwa Itoobiya.
Isha Warkan ayaa ah Taliye ku-xigeenkii ee Hay’adda NISA C/salaan Yuusuf Guuleed oo Warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray dalka Eritea ay boqolaal ka mida dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii Gobolka Tigray ka dhacay.
“Baaritaan marka aan sameeyay iyo xiriiro aan la sameeyay meelo kala duwan waxaan ku ogaanay in ciidamada Soomaalida ee ka qeyb galeen dagaalka Itoobiya iyo Tigray ka dhaxeeya, Ee dhinaca Eritrea kasoo galay ay gaaareyso Guuto iyo bar. Waxaan aad uga naxay oo nasiib darro ah iyo xanuun ah in la sheegayo inay dhinteen ku dhowaad 400, ayna dhaawacmeen boqolaal kale oo ciidamo Soomaali ah..” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA C/sallaan Guuleed oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.
Ciidamada dowladda Soomaaliya u dirtay si loogu soo tababarro ayaa ahaa qarsoodi, iyadoo ay maamuleysay Hay’adda NISA, mana jirto cid faahfaahisay nooca ciidamadaasi iyo tiradooda, inkastoo ay xaqiijin iyo caddeyn u baahan tahay ka qeyb galkooda dagaalkii Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray.
