Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya in dowladda Itoobiya ay ciidamado fara badan oo kumanaan ah kala baxday Soomaaliya, kuwaasoo aan ka mid ahayn ciidamada ka tirsan AMISOM.
Ma jiro cid si rasmi ah u xaqiijisay arrintan, waxaana markii ugu horeysay baraha bulshada ku shaaciyey nin hor uga tirsnaa Hay’adda Xasaradha Adduunka ee ICG, kadibna waxaa isha ugu weyn ee warkan ay noqotay dad aan loo ogoleyn inay saxaafadda la hadlaan.
Warkii ugu danbeeyay ee ay arrintan ka qortay shakabadda Bloomberg ayaa lagu sheegay in 3000 askari ay ciidamada Itoobiya kala baxday Soomaaliya si loogu taagereo dagaalka ka socda Gobolka Tigray, waxaana laga soo xigtay dad aan la magacaabin.
Warbaahin kale ayaa tirada ciiamada Itoobiya kala baxday Soomaaliya ku sheegtay 600 askari, iyadoo mas’uliyiinta Itoobiya ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan, markii lala xiriiray.
Ciidamada Itoobiya ee aan ka mid ahayn AMISOM ayaa Soomaaliya ugu sugan heshiisyo ay la gashay dowladda Soomaaliya, lamana oga tiradooda, goorta ay yimaadaan iyo sida loo kala bedelo, waxayna intooda badan ka howlgalaan Gobollad Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud.
5000 askari oo Itoobyaan ah ayaa si rasmi ah uga mida ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala, iyadoo mararka qaar ciidamada Soomaaliya ku sugan ay gaareen 20.000 askari.
