Sunday, June 22, 2025

Maxaa ka jira in Hay’adda NISA ay gudaha iyo Dibadda ka xirtay website-yada Alshabab..?

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay hawada ka saartay, isla markaana xirtay ilaa 14 Website oo Alshabaab ku lahayd Internerka, kuwaas oo lagu gudbin jiray wararka iyo dacaayadaha Alshabaab.

Website-yada Alshabaab ee NISA shaacisay in la xiray yimid kadi dadaa socday muddo sanado ah, sida lagu sheegay War-saaxaafadeedka NISA, waxaan ka mida magacayo isku mida oo u taagan hal website.

Kuwa ugu caansan ee ilaa hadda la sheegay in dalka iyo dibadda laga xiray waxaa ka mida: Calamada, Somalimemo, Radio Al-furqaan iyo Amiir Nuur, Muddooyinkii hore waxaa barahani laga xiray shirkadaha qaar iyadoo qaar kale si caadi ah looga isticmaali karay.

Ad

Xaqiijin lagu sameeyay baraha Alshabaab ayaan ku ogaanay in inta badan Barahaasi ay hawada ka maqan yihiin, halka kuwo kale ay weli shaqeynayaan sida web-ka Somalimemo, iyadoo aan la ogeyn sida arrintan ku dhacday.

Dhinaca akle NISA ayaa dhowaan sheegtay inay xirtay ilaa 20 koox oo Whatsapp ah adeegsan jiray, kuna xirnaa Alshabaab iyo 2,500 lambar oo ah lambar telefoon oo lala xiriiriyey Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON