Mid ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu saxiixo xukunnada dilka ah ee maxkamadaha dalka ay xukumeen, una badan qisaasta.
Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ayaa Baarlamaanka Federaalka ka sheegay inuu ugu baaqayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xukunada faraha badan ee dilka ee ay xukumeen Maxkamaddaha dalka oo intuu uu xafiiska yimid aanu saxiixin.
Xildhibaanka wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha laga sugayo saxiixa xukunnada xafiiskisa yaalla ee dilalka qisaasta ah, si cid walba oo dil geysta loogu fuliyo wixii shareecadada islaamka ay qabto, wuxuuna caddeeyay inay maqleen in Madaxweynaha aanu saxiixi karin dilalka, maadaama uu heysto Baasaboor Mareykan ah.
“Baasaboor Mareykan ah ninka heysta waxaa la leeyahay wax ma saxiixo karo, sida dilalka Maxkamadaha, qisaasta Alle ayaa caddeeyay, baasbaoor Mareykan waxaa ka muhiimsan tan qaranka iyo shareecada Islaamka, berri waa iska tuuri kartaa..”ayuu yiri Xildhibaan Axmed Xaaji.
Dooda xildhibaanka ayaa ah mid aan xaqiiqo ku dhisneyn maadaama Mareykanka uu yahay dalalka ugu horeeya ee fuliya falalka dilka ah, laakiin waxaa laga yaabaa inay jiraan sababo kale oo Madaxweyne Farmaajo ka hortaagan arrintan.
Waxaan weli xukunkii dilka ahaa lagu fulin gacan-ku-dhiiglihii dilka lagu xukumay ee lagu helay dilkii wasiirkii hore ee Howlaga Guud Cabbaas Siraaje iyo xukunno fara badan oo maxkamadaha dalka ay rideen.