Wednesday, June 25, 2025

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo aqlabay inuu bedelo Ra’iisal Wasaare Kheyre.? (Akhriso xaqiijin)

Mida ka mida Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegtay war ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in la bedelo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Idaacadda oo sida warkeeda lagu sheegay soo xigatay ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la magcaabin ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in la bedelo Ra’iisal wasaaraha si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Kadib xiriir aan la sameynay xafiisyada Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxtooyada ayaa naloo xaqiijiyay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur iyo arrin aan lasoo hadal qaadin, sida lagu sheegay war uu shaaciyey agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed.

“Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey  inay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo..” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada.

Arrintan lagu tilmaamay in qaar ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ay u adeegsadeen warbaahinta inay marin habaabiyeen iyadoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Ra’iisal wasaaraha ee kasoo bilowday shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sharci ahaan madaxweynaha ayaan awood u lahayn inuu bedelo Ra’siial wasaare kalsooni ka helay Baarlamaanka, waxaana kaliya lagu bedeli karaa inuu kalsoonida kala noqdo Baarlamaanka, markii mooshin laga keeno ama uu isagu iskiis isu casilo iyo in xaalad uu gudan waayo xilka ay ku timaado, taasoo aan hadda muuqan ama suuragal ahayn xilligan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON