Waxaa la isla dhex marayaa warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu diiday lacag uga timid dalalka Khaliijka si uu xiriirka ugu jaro dalka Qatar.
Wararkaasi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday lacag dhan 80 Milyan oo Doolar oo sida hadalka loo dhigay uu soo gaarsiiyay Wasiir Khaliihi (Sacuudi) ah, taasoo uu diiday.
Raadraac aanu warkan ku sameynay ayay caddaatay inuu asalkiisii ka yimid Saxafiga Jaabir Alharami oo ah qoraa iyo saxafi reer Qatar ah oo bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraalkan:
80 مليون دولار حملها وزير خليجي للرئيس الصومالي مقابل قطع علاقاته مع قطر .. بعد ساعتين من الإغراءات رفض الرئيس المحترم..
Jaabir ayaa ka mida saxafiyiinta uu inta badan wareysto telefishanka Aljazeera ee ku jira ololaha Qatar looga difaacayo go’doominta ay ku hayaan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn.
Qoraalkan ayaa isu bedelay war weyn oo baraha bulshada ay faafiyaan, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalka warbaahineed ee ay isku hayaan dalalka Khaliijka.
Sida la ogyahay dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya hore ugu deeqday lacag dhan 50 Milyan oo Doolar, taasoo ahayn kabka Miisaaniyadda, waxaana la sugayaa inay ku soo dhacdo Khasnada dowladda.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale balanqaaday fulinta mashaariic ay ku baxeyso lacag dhan 4 Bilyan oo Doolar, taasoo haddii laga hakiyo ay ku filan tahay cadaadiska dalalka khaliijka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Goobjooge