Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo Sacuudiga ka codsaday dhexdhaadinta Somalia iyo Imaaraadka..?

War si weyn loo hadal hayo ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka codsaday dowladad Boqortooyada Sacuudiga inay Imaaraadka ku qanciso sidii ay u joojin lahayd saldhigga milateri ee ay dooneyso inay ku yeelato magaalada Berbera.

Baaritaan aan ku sameynay Warkan ayaa waxaa qora website-ka riyadhpost, kasoo sheegay inuu ka soo xigtay web kale oo lagu magacaabo Yalla Afrika oo aan laga helin warkan, sida uu sheegay mid ka mida mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo.

Yalla Afrika ayaan ahayn web ama bar internet oo jirta, waxaan kaloo riyadhpost uu yahay web laga qoro dibaddaha, sidaasoo aya tahay ayaa si aan hore loo arag warbaahinta Soomaalida ay u baahisay warkan.

Inkastoo xaqiiqo ahaanta warkan aanay jirin cid xaqiijisay ayna suuragal tahay ama la qiyaasi karo in wadahadalka lagu soo qaado welwelka dowladda Soomaaliya ka qabto saldhigga milateri ee Imaaraadka laga siiyay magaalo xeebeedka Berbera.

Warkan wuxuu sheegayaan in madaxweyne Farmaajo kulan uu la yeeshay dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Ibnu Salmaan Ibnu C/casiis, kana codsaday  inuu Imaaraadka ku qanciyo inay ka joogsato saldhigga milateri ee ay kula heshiiyay maamulka Somaliland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON